Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Turkiga oo Dhismo Casri ah u Badaleysa Madaxtooyada Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan dib u habeynta Xafiisyada Madaxtooyada ayaa dhagax dhigay dib u dhis casri ah oo lagu sameynayo Madaxtooyada qaranka oo dhismaheedu ahaa mid gaboobay.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qorsheyaasha ugu muhiimsan dowladdiisa ay ugu horreeyaan dagaalka ka dhanka ah  Alshabaab, dib u habeynta xarummaha iyo hannaanka Hay’adaha dowladda iyo hirgelinta ku dhaqanka shuruucda dalka, taas oo aas-aas u ah dowlad Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey dowladda, shacabka Turkiga iyo shirkada Albayrak sida ay gacanta uga geysanayaan dib u casriyeynta Xafiisyada Madaxtooyada, iyaga oo mar walba garab istaag iyo taageero u muujiya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa xusay dhabar adaygga iyo kartida dadka Soomaaliyeed iyo sida aysan u niyad jabinayn ficillada gurracan ee ay soo maleegaan argagixisadu, waxa uuna xaqiijiyey in gacan dalka lagaga cirib tiri doono arxan-laaweyaashaas, gacanta kalena lagu horumarinayo dowladnimada.
Munaasibadda dhagax-dhigga Madaxtooyada cusub ee dalka waxaa ka qaybgalay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya iyo Madaxa shirka Albayrak.
Twitter: @TheVillaSomalia
317697119_534364772068000_31472712644887
317678530_534364665401344_24073818893839
317641053_534364678734676_24930119229418
317628641_534364775401333_75217045426940
317718967_534364742068003_28918377420427
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this