Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabhada TPLF Oo Hubkeeda Ku Wareejinaysa Ciidanka Dowladda Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Kenya, ayaa shaaca ka qaaday in jabhadda (TPLF) ay maalinta sabtida ah ay soo dhiibi doonto hubkeeda culculus, kadib wada hadalo dhex maray madaxda sare ee ciidamada Itoobiya iyo taliska TPLF.

Ambassador Bacha Debele, ayaa hadalkan ku sheegay muuqaal lasoo dhigay barta Youtube-ka.

“Marka laga hadlayo dhiibista hubka culus, waxay ahayd inay [TPLF] soo dhiibaan 17-kii November, laakiin taasi ma dhaqan gelin, laakiin hadda waxaa la go’aamiyay inay soo dhiibaan 3-da December,” ayuu yidhi.

Bacha ayaa sheegay in taliyeyaasha goobuhu ay “kulmaan maalin walba” si ay uga wada hadlaan habka hub ka dhigista, iyo dagaal yahanada kooxda TPLF la isugu keeno goobo cayiman.

“Macluumaad aan maanta helay, ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ay bilaabeen inay [dagaalyahannada TPLF] ku ururaan goobo cayiman. Waxay fulinayaan [hannaanka hub ka dhigista],” ayuu raaciyay.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay inay tahay wax xun oo waji gabax ah in si fagaaro ah loogga hadlo khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Xukuumada Itoobiya iyo kooxda TPLF, ayaa horaantii bishii hore heshiis nabadeed ku kala saxeexday dalka Koonfur Afrika, si ay si nabad ah ugu soo afjaraan dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay, ee mudada labada sano ah socday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this