Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirada Puntland oo la sheegay in Taleefonada laga reebay Shirka Khamiis laha ee Maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubnaha Golaha Wasiirada Puntland oo ka qayb-galaya Shirka Khamiislaha ayaa dhammaantood Taleefonnada laga ururiyay sida aan xogta ku helnay.

” Dhammaan Wasiirada ayaa lagu amray in ay Taleefonnada reebaan ka hor inta aysan gelin Shirka waxaana laga ururiyay Taleefonnada” ayuu yiri qof goob-joog ahaa oo ku sugan Madaxtooyada Garoowe.

Qofkan oo diiday in magaciisa la xigto maadaama aanu ogolaansho u haysan la-hadalka Saxaafadda ayaa sheegay in aanu garanayn sababta Taleefonnada looga ururiyay Wasiirada.

Puntland Post waxay ku jirtaa raadinta xog dheeriya oo ku saabsan warkan oo aysan weli si madax-bannaan u xaqiijin.

PUNTLAND POST

The post Wasiirada Puntland oo la sheegay in Taleefonada laga reebay Shirka Khamiis laha ee Maanta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this