Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada dadka la nool AIDS-ka ee ku sugan Puntland oo korortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda HIV/AIDS-ka u qaabilsan Puntland ee PAC ayaa maanta si kooban uga warbixisay xogtii u danbaysay ee xanuunkaas.

Agaasimaha hay’adda PAC Cabdulqaadir Maxamed Burburshe ayaa shaaciyay  in sannadkan uu koror ku yimid dadka la nool AIDS-ka ee ku sugan Puntland.

Agaasimaha ayaa sheegay in dadka booqanaya xarumaha caafimaadka ee qaadanaya dawooyinka AIDS-ka ay sannadkan gaareen 604 qof guud ahaan Puntland.

Sannadkii hore ee 2021 ayuu sidoo kale sheegay in dadka ku xirnaa xarumaha caafimaadka ee qaadanayay dawooyinka cudurkaas ay gaarayeen 521 qof.

Agaasimaha ayaa sidoo kale xusay in ay jiraan dad la nool xanuunka AIDS-ka oo qarsada sababa la xiriira in aan la faquuqin balse aan tira-koob sugan laga hayn.

PUNTLAND POST

The post Tirada dadka la nool AIDS-ka ee ku sugan Puntland oo korortay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this