Sign in to follow this  
Deeq A.

Jiang Zemin, Hoggaamiyihii Hore Ee Shiinaha Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Hogaamiyihii hore ee Shiinaha Jiang Zemin ayaa geeriyooday isaga oo 96 jir ah.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay inuu dhintay wax yar ka dib duhurnimadii Arbacada ee xilliga dalkaas.

Jiang waxa uu xukunka la wareegay ka dib markii 1989-kii uu dhiig badani daatay oo lagu qabqabtay dad mudaharaadayay fagaaraha Tiananmen ee magaalada Beijing iyo hareeraheeda, taasoo keentay in Shiinaha laga takooro caalamka.

Dhacdadani waxa ay dhalisay loolan adag oo xagga awoodda ah oo ka dhacay Shiinaha oo horseeday dib-u-habayn in lagu sameeyo xisbiyada dalka ka jira.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this