Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad Ku Taalla Maraykanka Oo Xabsi 26 Sanno Ah Ku Riday Nin Soomaali Oo Xaaskiisa Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin Soomaali Ah Oo Lagu Helay Inuu Xaaskiisa Ku Dilay Magaalada Cleveland Heights Ee Gobolka California Ayaa Lagu Xukumay 26 Sano Oo Xabsi Ah.

Maxamed Abidaaziz Keerow Oo 48 Jir Ah Ayay Xeer Beegtida San Diego Ku Xukuntay Horaantii Sannadkan Dil Darajada 1-Aad Ah, Isagoo Loo Haystay Geeridii Muna Salaad Kuru Oo 36 Jir Ahayd.

Dilkeeda Oo Dhacay Sannadkii 2019, Ayaa Walaasheed Aamina Salaad Kuru Waxay Markii Meydka Walaasheed La Helay Ku Eedeysay In Uu Ka Dambeeyay Ninkii Qabay Muna.

Maalmo Ka Dib Dhimashadeeda, Waaxda Bilayska San Diego Ayaa Kerow U Aqoonsaday Inuu Yahay Tuhmanaha Dilka Xaaskiisa, Waxaana Warsaxaafadeed Boolisku Uu Soo Saaray Ku Sheegay Inuu Baxsaday Lana Raadinayo Dilkeeda.

Kerow Ayaa Laba Toddobaad Ka Dib Lagu Xidhay Dalka Panama, Halkaas Oo Uu Baxsad Ku Tagay.

Muna Salaad Kuru Waxay Ahayd Ganacsato Lahayd Xarun Maalintii Lagu Haayo  Carruurta Oo Ku Taalla Magaalladda San Diego Ee Dalka Maraykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this