Jacaylbaro Posted November 5, 2009 Markab ay leeyihiin ciidama NATO ee ku sugan xeebaha Somalia ee ku teedsan badwaynta Hinya ayaa gaalbta ku soo xidhay marsada wayn ee magaalada Bebera kuwaas oo gadhwadeen u ahaa galbinyeyna markab u rarnaa hayada WFP ee Wold Food Program. Markabkan dagaal oo laga leeyahay dalka Norway, kana mid ah maraakiibta midowga Yurub ee la dagaallanka budhcad-badeeda Soomaalida ee ka qadhaabsata xeebaha Soomaliya iyokuwa wadamada ay xadka la eeyihiin ayaa gelbinayey markab siday shixnadan raashinka ah oo gaadhaysa (9000) Mitric ton, una raran Hay’adda WFP. Masuulliyiinta gobolka Saaxil iyo saraakiisha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa kullan kula qaatay muddo laba saacadooda markabka guudkiisa taas oo ay la kulmee Kabtanka iyo taliayayaasha kala duwan ee markabka saarnaa, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga Somaliland iyo in si wada jira looga shaqeeyo sidii loogu midoobi lahaa la dagaallanka kooxaha budhcad-badeeda ah. Ugu horayn Kabtanka markabkaas oo kullankaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay imaatinka xeebta Somaliland oo ku sifeeyey meel ay ka jirto xasillooni iyo nabadgelyo buuxda oo ay kaga duwantahay Xeebta Soomaaliya, islamarkaana uu rajaynayo in NATO iyo Somaliland ay intaas iskaga sii dhawaan doonaan. Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamed Cabdillaahi Maxamed oo isaguna kullanka ka dhacay markabkagudihiisa oo la hadlaayey warbaahinta uga waramay kullankaas ayaa sheegay inay labada dhinac is-fahan ka gaadheen iskaashiga la dagaallanka budhac badeeda waxaana ka mid ahaa hadallada Guddoomiyaha “Si fiican baanu isku fahanay, hawsha budhcad badeedana waanu isla garanay in ammaanka xeebaha la adkeeyo, si wanaagsana loo wada shaqeeyo oo xataa wixi kotarabaana layska kaashado.” Maareeye-ku-xigeenka Dekedda Berbera, ayaa ka codsaday katanka iyo saraakiisha Markabka dagaal ee NATO inay dhulka u soo dhaadhacaan, islamrkaana ay soo indho indheeyaan dekedda. Haseyeeshee kabtanka markabka, ayaa ka cudurdaartay arrintaas, kuna sababeeyey inaanay fasax ka heysan Midowga Yurub oo iyagu hoggaamiya hawlgalka maraakiibtooda, balse ballanqaaday marka labaad ee ay soo noqdaan inay fasax u soo qaadan doonaan. Kullankan dhexmaray masuulliyiinta gobolka Saaxil iyo saraakiisha NATO oo noqonaya kullankii ugu horeeyey ee nociis ah ayaa waxa kale oo ka qaybgalay Ku-simaha Maayarka Berbera, ahna Maayar-ku-xigeenka Cabdi Jaamac Faduul iyo Taliyaha Ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland Cismaan Jibriil Xagar. Ugu dambayntiina waxa ay amaan balaadhan u soo jeediyeen maamulka gobolka Saaxil iyo waliba madaxda kala duwan ee ay la kulmeen kuwaas oo ay sheegeen gabi ahaanba saraakiishii NATO in Somaliland ay tahay meel xasiloona . Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted November 5, 2009 Hub ma nasiinayaan mise waa maya? hadii kale waa hal bacaad ku lis. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 5, 2009 Hub maxaa lagu falaa .......... Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted November 5, 2009 Dee ciyaalka seexan waayey ayaa lagu seexiyaa! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 5, 2009 Anagu hub kuma seexino ee kiniinka hurdadaanu siinaa ,,, oo weliba caanaha ugu darnaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted November 5, 2009 This is pure invasion! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 5, 2009 Hmmm ,, how so ? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 5, 2009 Mala kuwan daahir riyaale soo yara kiireystey iyaku ku sii socda dhanka iyo india ayuu ku yidhi sii yara joogsada berbera. sawiro isla qaa qaata it will look good for doorashadiisa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 8, 2009 Somaliland government officials and officers from NATO’s anti-piracy mission, which has warships patrolling the seas off the coast of neighbouring Somalia met aboard a naval warship anchored off the coast of Berbera. Participating in the meeting on the Somaliland side were members of the government, officials from the Sahil regional authority, the head of the port of Berbera and officers from the Somaliland coastguards & security services. There was no official communiqué from the meeting from either side, but sources confirmed to Geeska Afrika that the main agenda of the meeting concentrated on areas of mutual interest between Somaliland and NATO including combating piracy in the Red Sea and the Indian Ocean. According to an eyewitness on the scene the meeting lasted approximately two hours after which the NATO warship headed for the high seas and the Somaliland delegation returned ashore. In the past, Somaliland has offered the use of its ports on its long coastline for NATO ships to combat Somali pirates. Somaliland coastguards have managed to keep Somalia’s sea-gangs off it’s coast and is considered one of the safest waters in the Horn. In a related development, a ship carrying food aid from the World Food Programme docked at the port of Berbera yesterday with logistics destined for the neighbouring landlocked Ethiopia. Quote Share this post Link to post Share on other sites