Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliiska Puntland oo la kulmay Saraakiisha Booliiska Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1669811359578.jpg?resize=720%2C48

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa kulanka ku saabsan sidii loo xoojinlahaa amniga magaalada Gaalkacayo oo maalmahan shaqaaqooyin ay ka dhaceen laqaatay saraakiisha amniga Gobolka Mudug.

Kulanka waxaa taliyaha ku weheliyay Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug G/sare Maxamuud Cabdi Xakiim Yuusuf,ku xigeenkiisa G/le dhexe Cabdi Saciid Xuseen Jaamac (Koomaad),saraakiisha gobolka iyo Taliyaasha saldhigyada Magaalada Gaalkacayo.

Taliyaha Ciidanka  booliska Punland ayaa saraakiisha ka dhagaysatay warbixin ku aadan  xaalada amni ee gobolka Mudug iyo howlgaladii ugu danbeeyay ee ay sameeyeen ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa saraakiisha gobolka ku amaanay shaqada wanaagsan ay ka hayaan magaalada Gaalkacayo isagoo kula adkeeyay xoojinta amniga magaalada iyo dardar galinteeda si looga hortago cidkasta oo ku howlan waxyaabaha amniga lidiga ku ah.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Booliiska Puntland oo la kulmay Saraakiisha Booliiska Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this