General Duke Posted September 12, 2007 Roma: Kooxda Xiriirka Soomaaliya oo shirtay..Akhri qodobadii shirkaasi ka soo baxay. 12. september 2007 Roma(AllPuntland)- Kooxda xiriirka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin wadamo dhowr ah ayaa shalay wuxuu shir ugu soo xirmay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayadoo shirkaasi ay ka soo baxeen go'aamo kala duwan. Saxaafada dalka Talyaaniga ayaa maanta soo qortay qaar ka mid ah qodobadii ka soo baxay shirkaasi ayadoo ay shirkaasi ka soo qeybgaleen Madax kala duwan oo ka socota dowladaha Mareykanka ,Talyaaniga ,Sweden ,Tansaaniya iyo QM. Gudoomiyaha Midowga Africa Alpha Omar Kanori oo shirkaasi joogay ayaa sheegay in Midowga Africa waqtigan ciidamada ka jooga Soomaaliya ,ay wax ka weyn ka badaleen Jawiga Siyaasadeed ee Soomaaliya. Alpha Omar wuxuu kaloo beesha Caalamka ugu baaqay in ay door muuqda ka qaataan nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay soo dhow dahay guushii nabadgalyada. Warbixino kala duwan oo shirkaasi ay ku soo bandhigeen xubnihii ka qeybgalay ayaa gabagabadii waxaa laysku raacay baaq Caalami ah oo laga soo saaray ,waxaana qodobadii ka soo baxay ka mid ahaa. In Soomaaliya lugu taageero ciidamo Caalami ah oo ka socda Midowga Africa iyo Qaramada Midowbay. In dowlada Faderaalka ee Soomaaliya laga taageero dhinacyada Dhaqaalaha iyo Milateriga. In Deeq deg deg ah la gaarsiiyo dadka ka baracakay Rabshadaha ka socda Magaalo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. Kooxaha dowlada Soomaaliya ka soo horjeeda waxa ay ugu baaqeen in la yimaadaan tanaasul dheeraad ah si xal waara loo garo. In Beesha Caalamku aysan ukala harin taageerida qodobadii ka soo baxay shirkii ku soo xirmay Magaalada Muqdisho. Bayaankan ka soo baxay Shirkii ay yeesheen todobaadkan kooxda Xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmay xili dowlada faderaalka ee Soomaaliya la dagaalameyso kooxaha qaraxyada ka wada Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites