Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo Hawlgallo ka fuliyay gobalka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed ayaa hawlgallo qorshaysan oo saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga deegaanka Awdiinle ee gobalka Baay, waxa ay ku dileen xubno ka tirsan ururka Al-shabaab.

Guddoomiyaha degaanka Awdiinle Ibraahim Maxamed Nuur ( Kalaay) iyo Ibraahim Xaaji Xasan oo kamid ah Xildhibaannada Koonfur Galbeed, waxaana la sheegay in hawlgalka ay ku dileen xubna ka tirsan ururka Al-shabaab.

Hawlgalladaan ayaa la sheegay in ay yimaadeen kadib amar ka soo baxay madaxweynaha dowlad gobaleedka koonfur-galbeed.

Intii uu socday hawlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsan ururka Al-shabaab, waxaana ay saraakiisha hoggaaminaysa ay sheegtay in ay sii wadayaan hawlgalladaan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this