Sign in to follow this  
General Duke

US: Warns the Clan Courts again...

Recommended Posts

''Waa in Maleeshiyaadka Islaamiyiinta si deg deg ah ay ku joojiyaan isbalaarintooda Milatari,iyagoo u hogaansamaya heshiiskii June ay la saxiixdeen dowladda KMG'' Mareykanka.

 

 

Washington, Afhayeenka Waaxda arrimaha Dibadda Mareykanka Gozalo Gallegos ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Mareykanka ay dhab ka tahay rabitaankooda ku wajahan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya.

 

Gozalo Gallegos waxaa uu muujiyay in dowladda Mareykanka ay diyaar u tahay taageerida qorshe kasta oo nabadda Soomaaliya lagu gaari karo,waxaana uu sheegay in Mareykanka uu kasoo horjedo xal Milatari in lagu xasiliyo Soomaaliya.

 

Afhayeenka Waaxda Arimaha Dibadda Mareykanka waxa markii ugu horeysay uu sheegay in dowladda Mareykanka aysan khatar sidaa u weyn u arkin xilligan Soomaaliya,balse waxaa uu sheegay in mustaqablka laga yaabo Soomaaliya in ay noqoto hooyga Qolyaha loo baxshay Argagixisada.

 

Gonzalo Gallegos oo saxafiyiinta kaga jawaabayay su'aalo fara badan oo ay weydiiyeen isla markaana ku wajahnaa howlgallo Laga yaabo Ciidamada Mareykanka in ay ka fuliyaan Soomaaliya kuwaasi oo ay ku beegsanayaan shaqsiyaad gaar ah ayaa sheegay in cidii danbi gashay ay ka tahay Wanted meel kasta isagoo intaa ku daray xitaa Soomaali in ay soo qabanayaan.

 

Gallegos waxaa uu ka digay siqitaanka Milatari ee Maxaakimta Islaamka ay wadaan isagoo ku tilmaamay talaabooyinkaasi kuwo wax u dhimaya heshiiskii June ay Khurtuum ku kala saxiixdeen Maxaakimta iyo Dowladda FS.

 

''Waa in Maleeshiyaadka Islaamiyiinta si deg deg ah ay ku joojiyaan isbalaarintooda Milatari,iyagoo u hogaansamaya heshiiskii June ay la saxiixdeen dowladda KMG'' ayuu yiri Gallegos.

 

Waxa intaasi uu sii raaciyay in xukuumadda Washington ay si xoogan uga walaacsan tahay talaabooyinka Milatari ee Maxaakimta Islaamka ay ka wadaan hareeraha fariisinka dowladda ee Baydhabo,waxaana uu intaasi sii raaciyay in ay ku xun yihiin dagaaladii dhawaan ka dhacay gobollada dhexe.

 

Jibriil Nuur

Waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Washington: Maraykanka oo maxkamadaha ugu baaqay inay dhaqso u joojiyaan Colaad hurinta ay wadaan.

Khamiis, November 16, 2006

 

Washington(AllPuntland)-Dawladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday in aad uga wal walayso xaaladda kacsan ee dalka Soomaaliya kasoo cusboonaatay.

 

" Aad ayaan uga fakaraynaa xaaladda ka taagan gudaha dalka Soomaaliya , gaar ahaan diyaar garoowga ciidan ee ay samaynayanaan maxkamadaha magaalada Muqdisho" sidaasi waxaa yiri afhayeen u hadlay waaxda arimaha dibadda dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Gonzalo Gallegos.

 

Dawladda Maraykanku waxay sidoo kale maxkamadaha ku eedaysay inay dul fadhiyaan magaalada Baydhabo ee fariisinka u ah dawladda Federaalka , ayagoo doonaya inay guluf colaadeed ku qaadaan.

 

Dawladda Maraykanku waxay soo jeedisay in sida ugu dhaqsaha badan ay maxkamaduhu ku joojiyaan colaad hurinta iyo is ballaarinta millatari.

 

Waxaa loogu baaqay maxkamadaha inay qaddariyaan heshiiskii dhex maray dawladda Federaalka iyo maxkamadaha ee lagu gaaray Khartoum.

 

Warkan kasoo yeeray Dawladda Maraykanka ayaa kusoo beegmay xilli wararku sheegayaan in maxkamadaha Muqdisho ay ciidamo dhoobeen meel aan ka fogayn fariisinka dawladda Soomaaliya iyo xudduudda Puntland iyo koonfurta Soomaaliya, si ay halkaasi weerar ugu qaadaan.

 

Dhinaca kale warbixin ay soo saartay qaramada midoobay dhawaan ayaa lagu sheegay in maxkamadaha Islaamiga ay caawiyaan kooxo xag jir ah iyo sidoo kale dawlado dhowr ah .

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

U.S. voices grave concern over situation in Somalia

 

 

The United States said on Wednesday that it was "extremely concerned" by the tense situation in Somalia.

 

"We are extremely concerned by the escalation of tensions inside Somalia, including a build-up of forces aligned with the Council of Islamic Courts around the interim capital of Baidoa, and recent militia clashes in northeastern Somalia," State department spokesman Gonzalo Gallegos said.

 

The Islamic militia should "immediately cease any further military expansion" and honor a June agreement for peaceful negotiations with the interim government, Gallegos said.

 

The Islamic Court has gained control of the capital, Mogadishu, and most of southern Somalia since June.

Somalia has been riven by factional fighting and has not had a functioning national government since Muhammad Siad Barre's regime was toppled in 1991.

 

Source: Xinhua

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this