Sign in to follow this  
Deeq A.

Wejiga Afraad ee Mashruuca Waxbarashadu waa Iftiin oo laga daah-furay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1669748875707.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Midowga Europe ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann ayaa maanta si wadajir ah u daah-furay Wejiga Afraad ee Mashruuca Horumarinta iyo kor u qaadista tayada Waxbarashada Puntland ee “Waxbarashadu waa Iftiin” oo ah mid kor loogu qaadayo tayada Macalimiinta, Ardeyda iyo heerka Waxbarashada Puntland.

Mashruucan Waxbarashadu waa Iftiin oo uu maalgeliyay Midowga Yurub, islamarkaana kor loogu qaadayo tayada Macalimiinta, Ardeyda iyo heerka Waxbarashada Puntland, waxaa si wadajir ah u fulinaya Hay’adaha Hay’adaha CARE iyo Save the Children.

Mashruuca oo socon doona mudda saddex sano waxaa ku baxaysa Lacag dhan 7.3 Million oo Euro, waxaa qeyb ka ah Dhismaha 12 Iskuul, dayactirka 7 Iskuul , 570 Ardey oo Waxbarasho Lacag la’aan ah , mushaharaadka 203 Macalim, hirgelinta 4 Iskuul oo cusub oo farsamada gacanta ah iyo hannaanka tayeynta Heerka Waxbarashada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyay muhiimada uu mashruuca Waxbarashadu Waa Iftiin u leeyahay Bulshada Puntland, wuxuu boggaadiyay shaqada Midowga Europe iyo Hay’adaha kala shaqeynaya Dowladda Mashruucan fulintiisa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale goobjoog ka noqday saxiixa heshiis ay gaareen Wasaaradaha ku shaqo leh ee dowladda iyo Hay’adahahan oo Iska kaashanaya fulinta mashruucan.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda Care International ee Soomaaliya Ummykaltun Abdimajid, Saraakiil ka tirsan Hay’adda Save The Children, Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradaha kale ee kala shaqeynaya Mashruuca iyo marti sharaf kala duwan.

Halkaan ka eeg Sawirada

FB_IMG_1669748875707.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1669748890067.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1669748898900.jpg?resize=720%2C52 FB_IMG_1669748908045.jpg?resize=720%2C51 FB_IMG_1669748913787.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1669748921457.jpg?resize=720%2C60 FB_IMG_1669748928309.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1669748933193.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1669748940986.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1669748949429.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1669748956986.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1669748966104.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1669748972124.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1669748976207.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1669748979992.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1669748988310.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1669748998098.jpg?resize=720%2C60 FB_IMG_1669749008623.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1669749016702.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1669749021504.jpg?resize=720%2C74 FB_IMG_1669749029023.jpg?resize=720%2C41

PUNTLAND POST

The post Wejiga Afraad ee Mashruuca Waxbarashadu waa Iftiin oo laga daah-furay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this