Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaanka sare ee xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa galabta Magaalada Hargaysa, kulan kula qaatay Safiirka Denmark ee Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
Hogaanka sare ee xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa galabta Magaalada Hargaysa, kulan kula qaatay Safiirka Denmark ee Somalia Steen Sonne Anderson oo ay weheliyaan Ku xigeenkiisa Gertrud Norbjerg Birk iyo Madaxa Xafiiska Hargaysa, Mathias Daniel Hassing Kjaer.
Kulankan ayaa lagaga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan khilaafka ka taagan Arrimaha Doorashooyinka.
Masuuliyiinta Mucaaradka ayaa u cadeeyay saraakiishii ka socday Safaaradda Denmarka, mawqifkooda ku aaddan Doorashooyinka, waxaanay u sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen xukuumaddan talada haysa, maadaama muddo xileedkeedii sharciga ahaa dhamaaday, isla markaana kororsatay muddo labo sanno ah oon loo marin dariiq sharci ah.
Waxaanay masuuliyiintu Mucaaradku intaas ku dareen, in ay ayyidsan-yihiin go’aankii Komishanka ee ahaa in ay muddo 9-bilood ah ku qabtaan Doorashada Madaxtooyada.
317492495_1559259231202260_1072198795932
317383296_1559259291202254_6419579514372
317090162_1559259464535570_8834739192217

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this