Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu Dhammaaday Ee Somaliland Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Dalka Denmark

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Dalka Denmark Ambassador, Mr. Steen Sonne Andersen.

Madaxweynuhu waxa uu safiirka ku wargeliyay in uuheegan u yahay hirgeinta hannaanka Dimuquraaddiyadda ku salaysan ee arrimaha doorashooyinka oo ah waxa ay Somaliland dheertahay dalalka Afrika iyo caalamka intiisa kale meelo ka mida, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyadda.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Dr Ciise Keyd Maxamuud. Dhinaca weftigana waxa safiirka wehelinayaan ku xigeenkiisa Ambassador, Ms. Gertrud Birk iyo Wakiilka dalka Denmark u fadhiya Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this