Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiyada Mucaaradka Ah Oo  Galabta Kula La Qaatay Safiirka Denmark

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaanka sare ee xisbiyada Mucaaradka Somaliland WADDANI iyo UCID ayaa galabta Magaalada Hargaysa, kulan wadajira kula qaatay Safiirka Denmark ee Somalia iyo Somaliland Steen Sonne Anderson oo ay weheliyaan Ku xigeenkiisa Gertrud Norbjerg Birk iyo Madaxa Xafiiska Hargaysa, Mathias Daniel Hassing Kjaer.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan khilaafka ka taagan Arrimaha Doorashooyinka.

Masuuliyiinta Mucaaradka ayaa u caddeeyay saraakiishii ka socday Safaaradda Denmarka, mawqifkooda ku aaddan Doorashooyinka, waxaanay u sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen xukuumadda, maaddaama muddo xileedkeedii sharciga ahaa dhammaaday, sidoo kalena aan dariiq sharci loo marin muddo kordhinta, Waxaanay masuuliyiintu Mucaaradku intaas ku dareen, in ay ayyidsan-yihiin go’aankii Komishanka doorashooyinka ee ahaa in ay muddo 9-bilood ah ku qabtaan Doorashada Madaxtooyada.

317572273_512497584260813_50386698453490

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this