Sign in to follow this  
Deeq A.

Masuul ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ‘oo ka badbaaday isku-day dil’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax jugtiisa inta badan laga maqlay xaafadaha degmada Kaxda ayaa maanta lala eegtay Xoghayaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, Ibraahim Muxyadiin Macow.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa Xoghayaha lala eegtay xilli uu marayay agagaarka Isbitaalka Mercy, waxaana lasoo sheegaya in uu ka badbaaday masuulka isku-deygaas dil.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa lala eegtay Xoghayaha degmada Kaxda uusan ka dhalan wax khasaaro nafeed ah, marka laga reebo burbur yar oo gaaray gaariga xoghayaha.

Qaraxa lala eegtay Xoghayaha ayaa waxaa durtaba sheegtay masuuliyadiisa kooxda Al-Shabaab, oo ayadu dhowr jeer masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadaas qaraxyo miino ku dishay.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay weerarada iyo qaraxyada ay fulineyso, xili gobolada dalka qaarkood ay kaga socdaan dagaalo culus oo kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan.

Kacdoonka dagaal ee ka dhan ah Al-Shabaab oo si wada-jir ah iskaga kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxaa lagula wareegay deegaano badan oo sanado dhowr ah gacantooda ku jiray.

The post Masuul ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ‘oo ka badbaaday isku-day dil’ appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this