Sign in to follow this  
Deeq A.

Bankiga Adduunka oo sheegay in dhaqaalaha Soonaaliya kordhay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1669721386983.jpg?resize=721%2C48

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka kaas oo lagu soo Bandhigay Warbxinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka uu diiyaariyay taasi oo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay boqolkiiba 2.9 sanadkii 2021 marka loo eego sanadkii ka horreyay ee 2020. Wasiirka ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka si loo gaaro horumar la taaban karo.

“Waxa aan maanta shir Guddoomiyay kulan uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka oo lagu soo Bandhigay Warbxinta Dhaqaalaha Soomaaliya (Economic Outlook).

Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkastoo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo kuwo caalami ah. Waxaa naga go’an inaan xoojino barnaamijkeena dib-u-habaynta hannaanka” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Warbxinta Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka ee la socodka dhaqaalaha Soomaaliya ayaa lagu xusay in dhaqaalaha Soomaaliya uu horumar iyo korar uu sameeyay sanadkii hore iyadoo ay jiraan caqabado waa wayn.

Warbxinta ayaa sidoo kale lagu xusay in abaaraha ba’an ee qeybo badan oo Dalka ka jira ay dhaqaalaha samayn xooggan ku yeesheen.

Wakiilla Bangiga ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa sidoo kale hadal ka jeedisay shirkaan iyadoo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay horumar ka samasay dhanka dakhliga gudaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee dalka.

PUNTLAND POST

The post Bankiga Adduunka oo sheegay in dhaqaalaha Soonaaliya kordhay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this