Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Dowladda iyo Deegaanka oo Isaga Baxay Deegaanka Qaayib Ee Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarao deegaanka Qaayib oo hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegaaan in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay isaga soo baxeen, kuwaas oomuddooyinkii dambe ku sugnaa halkaas oo ay kala wareegeen Al-shabaab, lamana oga sababta ka dambeysan in ciidanka ay isaga baxaan deegaanka.

Xooggag ka tirsan Al-shabaab ayaa gudaha u galay deegaanka Qaayib sida ay sheegayaan wararka, ila wareedyo ayaa inoo  sheegay in ciidanka dowladda ee isaga baxay Qaayib ay aadeen dhanka Dhuusamreeb, halka  ciidanka deegaanka ay u  dhaqaaqay dhanka degmada Baxdo ee bariga gobolka Galgaduud.

Wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, kaas  oo sababtay in ay isaga soo baxaan deegaanka, oo qabsashadiisa ay muhiimad u laheyd sidii lagu gaari lahaa deegaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.

Al-ashabaab ayaa dhowr jeer deegaanka kusoo qaaday weerarro ku bilowday qaraxyo iyo dagaallo toos ah, kuwaas oo dhaliyay khasaare kale duwan, majiro wax war ah oo kasoo baxay taliska xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku aadan in deegaanka laga soo baxo ay muddo ku sugnaayeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this