Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo isbedal maamul oo xoog leh sameeyey xalay (Aqriso dikreetooyin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa isbadal ku sameeyay maamulka Gobolka Jubbada Hoose iyo saraakiisha hoggaamisa ciidamada booliska iyo daraawiishta Jubbaland.

Seddax dikreeto ayaa xalay ka soo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe, wuxuuna ugu horeyn Xasan Cabdi Guure u magacaabay Gudoomiyaha Gobalka Jubbada Hoose, halka ku xigeenkiisa uu u magacaabay Muuse Maxamed Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa dikreetada labaad ku magacaabay sarakiil cusub oo la wareegeysa hoggaaminta taliska ciidamada booliska ah ee ka howlgala deegaanada Jubbaland.

S/Guuto Cabdullahi Cabdi Yuusuf ayaa loo magacaabay taliyaha booliska Jubbaland, halka ku xigeenkiisa loo magacaabay G/Sare Xuseen Cali Xaashi, sida ku cad dikreetada.

Ugu dambeyntii madaxweynaha Jubbaland ayaa S/Guuto Ismaaciil Saxardiid Keydsane u magacaabay Taliyaha ciidamada darawiishta Jubbaland.

Magacaabidaan ayaa ku soo aaday, iyadoo shalay madaxweynaha Jubbaland uu duleedka Kismaayo kula hadlay ciidan xoog leh oo loo diyaariyey inay Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa cadeeyey in Jubbaland ay diyaarisay qorshe dhameystiran oo deegaanada laga xoreeyo Al-Shabaab lagu gaarsiinayo adeegga dowliga ah.

Hoos ka eeg dikreetooyinka317079051_692981318850428_35419857528847 317394976_692973955517831_50218552505567 317080048_692965632185330_16541908700694

 

The post Axmed Madoobe oo isbedal maamul oo xoog leh sameeyey xalay (Aqriso dikreetooyin) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this