Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Soomaaliya oo sheegay in la soo af-jaray weerarkii Huteel Rays

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in lasoo geba-gebeeyey howlgal ay ciidamada amniga ka wadeen Hotel Villa Rays oo tan iyo xalay ay ku jireen meleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka booliska Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in kooxda soo weerartay hotelka ay ahaayeen lix maleeshiyo, kuwaasi oo dhammaantood hadda dhintay. Waxa uu intaas ku daray in ciidamada amniga ay dileen shan maleeshiyo, halka mid kalena uu is-qarxiyey.

Afhayeenka ayaa sheegay in khasaaraha weerarka uu yahay dhimashada sideed qof oo shacab ah iyo hal askari.

Sadiiq Doodishe wuxuu sidoo kale sheegay in lasoo badbaadiyey 60 qof oo shacab ah oo ku sugnaa hoteelka.

Weerarka ayaa socday ku dhowaad 22 saac, waxaana si rasmi ah u sheegatay kooxda Al-Shabaab. Hotelka la weeraray ayaa ku yaalla aag amnigiisa aad loo sugo oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Soomaaliya oo sheegay in la soo af-jaray weerarkii Huteel Rays appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this