Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo shir ka furay Muqdisho xilli Al-Shabaab haystaan hotel u dhow Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya, xilli kooxda Al-Shabaab ay haysato hotel ku yaalla meel u dhow madaxtooyada dalka.

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa maalgashadeyaasha ku dhiiri-geliyay in dalkeenna ay ka jirto fursado maalgashi oo balaaran.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aadan xaqiijinta Soomaaliya ku habboon maalgashi, taasi oo ay aas-aas u tahay dabar-goynta argagixisada, horumarinta shuruucda iyo dowladnimada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka mid noqoshada suuqyada iyo ururrada caalamiga ah ee ganacsiga.

“Inkasta oo aan halkan u imid si aan u dhiirri-geliyo maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu horeyso argagixisada, abaaraha, hanaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, haddana dhamaan arrimahaas waxaa barbar socda dadaalo aan ku xalinayno iyo fursado balaaran oo ka jira dalka,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu madaxwxeynuhu bogaadiyey dhabar-adayga iyo kartida dadka Soomaaliyeed iyo sida aysan u niyad jabinayn ficilada guracan ee ay soo maleegaan argagixisadu, waxa uuna xaqiijiyey in dalka laga cirib-tiri doono arxan-laaweyaashaas, si sharaf iyo barwaaqo ay ugu noolaadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina ku bogaadiyey ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed sida ay hantidooda ugu soo celiyeen dalkooda, door muuqdana uga qaadanayaan horumarka.

Shirweynaha uu maanta furay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imanaya xili aan weli lasoo afjarin weerar ka socda hoteelka Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada, islamarkaana aysan weli ka hadlin dowladda uu hogaamiyo.

Weerarkan Al-Shabaab ayaa socda saacaddii 20-aad, waxaana ciidamada dawladdu ay weli wadaan hawlgalka ay doonayaan inay kula wareegaan gacan ku haynta hoteelka. Waxaa la xaqiijiyey ugu yaraan 4 qof ay ku dhinteen weerarkan.

Mas’uuliyiinta sare ee dawladda ayaan weli rasmi ahaan uga hadlin weerarka Al-Shabaab. Dhinaca kale hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa cambaareeyey weerarkan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sida lagu baahiyey qoraal lagu daabacay warbaahinta taageerta kooxda.

The post Xasan Sheekh oo shir ka furay Muqdisho xilli Al-Shabaab haystaan hotel u dhow Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this