Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay GAALKACYO

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ay maanta maleeshiyaad hubeysan ka geysteen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa rasaas ku furay goob ay ku sugnaayeen dadka shacab ah, kadibna waxay isaga carareen goobta, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaan ku dhintay ugu yaraan 1 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen 2 kale, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ayaanle Siciid Faarax oo kamid ahaa dhalinyarada ku nool magaalada Gaalkacyo ee xaruntagobolka Mudug.

Weerarkan ayaa daba socda dagaal maalmo kahor ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo, kaas oo u dhexeeyey labada maleeshiyo oo ku murmay dhul ku yaalla halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi khasaaraha dhaliyey iyo howlgallada xigay ee la sameeyey.

Degmada Gaalkacyo oo ka kooban koonfur iyo waqooyi, islamarkaana ay ka kala taliyaan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal liddiga ku ah amniga guud, sida qaraxyo, dailal qorsheysan iyo sidoo kale iska hor imaadyo hubeysan.

The post Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay GAALKACYO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this