Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii wadajirka ahaa ee Baarlamanka Soomaaliya oo maanta la baajiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoonka labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  shaaciyay in maanta la baajiyay kulankii wadajirka labada aqal ee Baarlamaanka.

Kulanka oo ka qabsoomi lahaa xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2023.

Guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ma aysan faahfaahin sababta loo baajiyay kulankii wadajirka ahaa ee maanta qorshaysnaa.

Waxaase dadka qaarkood baajintaas ku fasiray xaalad amni kadib weerarkii xalay lagu qaaday huteel Villa Roys oo aan weli la soo af-jarin.

PUNTLAND POST

The post Kulankii wadajirka ahaa ee Baarlamanka Soomaaliya oo maanta la baajiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this