Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo shaacisay magacyada Odayaal Dhaqameed u galay Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
20221128638051973585698057.jpg?resize=66Wasiirka Amniga Galmudug

Saddex kamid ah Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa u galay kooxaha Al-shabaab, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Amniga Galmudug.

Saddexda Oday Dhaqameed oo kala ah; Sugaal Warsame Cali, Cali yare Axmed Xayle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa sida Wasaaraddu sheegtay u hoggaansamay awaamiirta Al-shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in Odayaashaas ay gaareen dhulka Al-shabaab ka taliso.

Wasaaradda ayaa sidoo kale Laamaha Amniga ku amartay in gacanta lagu soo dhigo Odayaashaas meeshii lagu arko.

20221128638051968430243198.jpg?resize=66

PUNTLAND POST

The post Galmudug oo shaacisay magacyada Odayaal Dhaqameed u galay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this