Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo waxba kama jiraan ku tilmaantay war ka soo baxay shirkadda MARU PORT 

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warka ka soo baxay shirkadda MARU PORT  oo sheegatay in dowladdu ay oggolaanshiyo u siisay inay ka shaqeyso hubinta Tayada Badeecadaha dalka sida lagu caddeeyay War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya.

“Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay halkan ku caddaynaysaa inuu waxba kama jiraan yahay warka ka soo baxay shirkadda MARU PORT  oo sheegatay in Wasaaraddu ay oggolaanshiyo u siisay inay ka shaqeyso hubinta Tayada Badeecadaha dalka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka

Wasaaradda ayaa u caddaysay dadka Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo dhammaan ba hay’adaha kale ee ay khusayso in aanay illaa hadda jirin shirkad la siiyey wax oggolaanshiyo ah balse dhawaan ay Wasaaraddu shaacin doonto Bid(Bidhka) oo si daah-furan tartan loo gelin doono shirkadaha soo codsada ee u qalma baarista tayada badeecadaha soo gelaya iyo kuwa ka baxaya dalka isla-mar-ahaantaana la siin doono shirkaddii ku guulaysata.

Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka

FB_IMG_1669620104067.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo waxba kama jiraan ku tilmaantay war ka soo baxay shirkadda MARU PORT  appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this