Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin dhalinyaro ah oo ku dhintay rasaas laga maqlay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20221128_095618531.png?resize=100

Alle ha u naxariistee Ayaanle Siciid Faarax oo kamid ahaa dhalinyarada Gaalkacyo ayaa ku dhintay rasaas saaka laga maqlay gudaha Gaalkacyo.

Wararku waxay sheegayaan in sidoo kale uu rasaastaas uu ku dhaawacmay nin kale islamarkaana loola cararay xarumaha caafimaadka.

Dhacdadaas ayaa sida la soo weriyay daba socota iska hor-imaad dhowaan magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland ku dhexmaray laba malayshiya-beeleed oo ku muransan bogcado dhuleed.

Xiisadda labada dhinac ayaa weli ka taagan magaalada waxaana socda dadaallo lagu dejinayo xaaladda.

PUNTLAND POST

The post Nin dhalinyaro ah oo ku dhintay rasaas laga maqlay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this