Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo qaraxyo iyo weerar toos ah ku qaaday hoteel ku dhow Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxaha Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa sheegtay weerar isugu jira qaraxyo ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah oo lagu qaaday huteelka Villa Rays ee nawaaxiga Madaxtooyada Villa Somalia.

Wararka ayaa xaqiijinaya in huteelka la weeraray ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin sare oo ay ku jiraan xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la soo weriyay in uu ka dhashay weerarka inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin.

Dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadlin weerarkan oo bilowday fiidnimadii caawa islamarkaana weli socda.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo qaraxyo iyo weerar toos ah ku qaaday hoteel ku dhow Villa Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this