Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha CXD Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1669526717926.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Gaashandhiga Dowlada Federaalka ah Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha guud ee Ciidamada xooga dalka Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage.

Mas’uuliyiintan  oo gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa madaxweynaha ugu tagay xarunta madaxtooyada, halkaasoo ay wadahadalo ku yeesheen.

Dhinacyadu faahfaahin kama bixin arrimaha sida gaarka ah ay uga wada-hadleen kulankooda Kismaayo.

Waxaase kulankaas sida wararku sheegayaan uu ku saabsanaa sidii degaanada Jubaland looga bilaabi lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha CXD Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this