Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa dalka Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1669535266975.jpg?resize=720%2C47

Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta mudane, Cabdalla Bin Zayid ayaa qaabilay dhiggiisa Soomaaliya mudane, Abshir Haruuse.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Abu Dhabi ayay labada wasiir diiradda ku saareen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo arrimo kala duwan oo labada dal si isku mid ah u daneynayaan.

Wasiirka Arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Sheekh Cabdalla Bin Zayid oo soo dhaweeyay booqashada Wasiir Abshir Jaamac Haruuuse ayaa sidoo kale xaqiijyay sida ay uga go’antahay xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo sii hagaajintiisa si u adeegeysa xaqiijinta danaha labada dal, isla markaana taageereysa xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya.

Dhankiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS mudane, Abshir Cumar Jaamac, ayaa xaqiijyay in Soomaaliya ku dadaaleyso xoojinta xiriirka walaalnimo iyo wax wadaqabsi ee kala dhexeeyay dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo ammaanay kaalinta Imaaraadka ew heer gobol iyo caalamaba.

Waxaa kulanka labada wasiir goobjoog ka ahaa Sheekh Shakhbuut Bin Nahyan Aala Nahyaan oo ah Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta iyo mas’uuliyiin kale.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa dalka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this