Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1669542559216.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann ayaa kala hadlay xoojinta taakuleynta ay siiyaan Soomaaliya ee dhinacyada arrimaha bini’aadanimada, horumarinta iyo xasillinta deegaannada la xorreeyay.

Danjiraha ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay sii wadida taakuleynta dhinacyada kala duwan ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub doorka ay ka qaataan dowlad dhisidda iyo mashaariicda horumarineed, waxa uuna tilmaamay in deegaannada laga xorreeyey Khawaarijta ay maanta u baahan yihiin gurmad degdeg ah iyo in la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this