Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Madaxweyne Deni oo fara-gelin ku haya Shirka Ururada Siyaasadda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
124970388_b66c34b4-2ce8-40b5-b124-71f92e

Shir u dhexeeya ururrada siyaasadda Puntland oo looga tashanayo barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod ayaa lagu wadaa in uu Caawa ka furmo caasimadda Garoowe.

Ururrada siyaasadda Puntland oo uu ka maqan yahay urur siyaasadeedka xukuumadda ee Kaah ayaa la filayaa in ay shirkan uga tashadan xaaladaha ku xeeran doorashooyinka lagu muransan yahay ee qof iyo cod.

Ururrada siyaasadda ayaa doonaya in ay talo midaysan ka yeeshaan barnaamijkan doorashooyinka oo sida la rumaysan yahay uu mudda kororsi ku dhex qarinayo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Waxaase xogo hoose sheegayaan in Madaxweynaha Puntland uu fara-gelin ku hayo Shirka islamarkaana saamayn ku leeyahay xubnaha ka qayb-galaya qaarkood si aysan uga soo bixin go’aanno ka dhan ah damaciisa mudda kororsiga.

PUNTLAND POST

The post XOG: Madaxweyne Deni oo fara-gelin ku haya Shirka Ururada Siyaasadda Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this