Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Taiwan oo is-casishay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa ku dhawaaqday inay iska casishay xilkii Guddoomiyenimada ee ay ka haysay xisbiga tallada haya, kadib markii guul-darro ka soo gaadhay doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacay dalkaas, iyadoo uu xisbiga mucaaridka ah ee u janjeedha dhinaca Shiinuhu uu ku guulaystay inta badan magaalooyinkii lagu tartamay oo ay ku jirto caasimadda Taipei.

Haweenaydan Madaxweynaha ka ah Taiwan ayaa sheegtay inay sii hayn doonto xilka Madaxweynaha, balse waxay qiratay masuuliyadda guul-darrada xisbigeeda ka soo gaadhay doorashooyinka, iyadoo  xustay in guul-daradaasi ku noqotay mid lama-filaan ah, sidaasna ay madaxtinimadii xisbiga iskaga casishay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this