Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kismaayo u tagaya dardargelinta dagaalka ka dhanka Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filaya in waqtiya soo socda uu safar ku tago magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad gobaleedka Jubbaland.

Xasan Sheekh oo maalmihii la soo dhaafay socdaallo ku marayay furimaha dagaalka ka dhanka ah ururka al-shabaab, waxa uu sidoo kale gaarayay magaalooyin ka tirsan maamulada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ballan qaaday in uu ciidamada dadka deegaanka iyo kuwa dowladda federaalka uu ku booqanayo furimaha dagaalka ka dhanka ah ururka al-shabaab.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale diiradda lagu saaraya sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka Al-shabaab.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this