Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta madaxda maamul goboleedyada badankood u diidan yihiin dagaalka Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa weerarka afka ah ku qaaday madaxda maamul goboleedyada dalka, isaga oo ku eedeeyey inay ka gaabiyeen la dagaalka Al-Shabaab.

Cali Jayte ayaa sheegay in illaa iyo hadda wax tallaab ah qaadin maamul goboleedyada, marka laga reebo HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabaa inaan la kaftamo nimanka dowlad goboleedyada waan yaabanahee idinku Shabaabka miyaa iska iimaansateen?.” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey dowlad goboleedyada dalka inay HirShabelle ku fiirsadeen dagaalka Al-Shabaab ee ka socda Hiiraan iyo Sh/ Dhexe, taasina laga haboon yahay.

“Dowlad goboleedyada kale inaan la hadlo dhowr arrimood ayaa sababay ninka maanta  nagu daawo, beri waan ku daawaneynaa, war State-yadii kale meeyey? HirShabelle kaliya ayaa xabaddu ka dhaceysaa meeyey Soomaalinimadii?” ayuu markale yiri Mudane Jayte.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo la gar naqsaday maamul goboleedyada dalka ayaa sii raaciyey “Waxa la leynaayaa so shacab Soomaaliyeed ma’ahan maxay noogu eegayaan?”.

Dhinaca kale wuxuu sheegay inay u mahadcelinayaan ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay ku taageereen dagaalka.

“Nimankaas dowlad deegaanka way naga mudan yihiin inaan u mahadcelino kun jeer waa naga mudan yihiin, waxaa kaloo naga mudan ciidanka Xooga,” ayuu kusii daray hadalkiisa.

The post Sababta madaxda maamul goboleedyada badankood u diidan yihiin dagaalka Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this