Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xil wareejino maanta ka dhacay xarunta G/Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Guddoomiye ku-xigeenada cusub ee maamulka gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee maamulka gobolka.

Munaasabadda oo ka dhacday Aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Guddoomiyaha gobolka Banaadir, qaar kamid ah Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenada cusub, kuwii hore iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo munaasabadda xil wareejinta ka hadlay ayaa kula dardaarmay xubnaha cusub in si xilkasnima leh oo daacadi ay ku jirto loogu adeego bulshada caasimadda, isagoo madaxdii xilka wareejisay ku amaanay howlihii ay kasoo qabteen maamulka gobolka.

“Waan uga mahad-celinayaa xubnihii hore shaqadii ay soo qabteen, xubnaha cusub (Guddoomiye ku-xigeenada cusub iyo xoghayaha) waxaa dhankooda looga fadhiya inay qabtaan shaqo badan oo waxtar u leh bulshada gobolka Banaadir.”

Guddoomiye kuxigeenada cusub ee maamulka gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee maamulka gobolka ee maanta xilka la wareegay ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud magacaabay 20-kii bishaan November 2022-ka.

Guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir ee xilka wareejiyay ayaa muddo ka badan labo sanno kuraastan ku fadhiyay, waxayna intooda badan u badnaayeen kuwa siyaasad ahaan aad u taageersanaa madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

wareejin1.jpg wareejin2.jpg wareejin3.jpg wareejin4.jpg

The post Sawirro: Xil wareejino maanta ka dhacay xarunta G/Banaadir appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this