Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo kulan doceedyo ka wada dalka Cumaan

Recommended Posts

Deeq A.   
316258074_513125534174758_87616810104746

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa kulamo doceedyo la qaatay qaar ka mid ah wasiirada dhiggiisa ee ka soo qeyb galay shirka looga hadlayo il-ma-aragtada adkeysiga u leh dawooyinka ee ka socda dalka Cumaan.

Shirka oo maalintii labaad galay ayaa waxaa xubnaha uu wasiirka la kulmay ka mid ah wasiirada caafimaadka dalalka Cumaan, Sacuudiga,Netharlands, Sweden iyo Bangladesh, wuxuuna uga xog waramay xaaladda caafimaad ee Soomaaliya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dadaalka dib loogu dhisayo nidaamka caafimaad ee dalka.

Ugu danbayn, Wasiirka iyo Wasiirada kale ee dhiggiisa ah ayaa ku balamay in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo dalalkooda.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo kulan doceedyo ka wada dalka Cumaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this