Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaal saldhigyo loo magacaabay xaafadaha Garoowe qaarkood

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20221126_084547060.png?resize=409

Taliyaha Booliiska Puntland S/Guuto Mumin Cabdi Shire ayaa saldhigyada xaafadaha Garoowe qaarkood u magacaabay taliyaal cusub.

Taliyaha saldhiga xaafadda Israac ee magaalada Garoowe ayaa loo magacaabay X/LE Ayaanle Axmed Aaden.

Taliyaha saldhiga xaafadda Jillab ee Garoowe ayaa sidoo kale loo magacaabay K/S Abshir Ibraahim Cali.

Taliye ku xigeenka saldhiga bartamaha Garoowe ayaa isna loo magacaabay L/X/LE Maxamuud Cabdirisaaq Maxamed.

Magacaabid.jpg?resize=720%2C931&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Taliyaal saldhigyo loo magacaabay xaafadaha Garoowe qaarkood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this