Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin ku eedaysan in uu dil ka geystay magaalada Hargeysa oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1669444349801.jpg?resize=720%2C54

Booliiska Somaliland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen nin ku eedaysan in uu dil ka geystay gudaha huteel ku yaalla magaalada Hargeysa.

Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay Baashe Faarax Cabdi oo ku eedaysan dilka marxuum Jimcaale Rashiid Xasan sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Booliiska Somaliland.

“Eedaysanahan ayaa ku eedaysan ina ku dilay Marxuumka tooray Abaaro 2:30 Habeenimo ee Xalay kaasi oo  kaga dhuftay qoorta, Dilkan ayaa ka dhacay Huteelka Niil Ee Magaalada Hargeisa” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Booliiska Somaliland ayaa sheegay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo isku dayda in ay amni-darro ka samayso gudaha Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Nin ku eedaysan in uu dil ka geystay magaalada Hargeysa oo gacanta lagu dhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this