Sign in to follow this  
Deeq A.

Horjoogayaal iyo xubo ka tirsan Al-shabaab oo lagu laayay Shabeellada dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20221126_133650974.png?resize=720

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in ay Al-shabaab ka saartay degaanka Ceel-dheere oo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe.

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay wasaaraddda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa degaanka ay si buuxda ula wareegeen degaankaas

In ka badan 100 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal ayay dowladdu sheegtay in Al-shabaab looga laayay hawlgalkaas oo taageero dhinaca cirka ka helay saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Al-shabaab weli kama hadlin sheegashada dowladda ee ku saabsan in xubno badan oo kooxdaas ka tirsan lagu laayay hawlgalka Ceel-dheere.

PUNTLAND POST

The post Horjoogayaal iyo xubo ka tirsan Al-shabaab oo lagu laayay Shabeellada dhexe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this