Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha doorashooyinka lagu muransan yahay oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta shaaciyay xilliga ay bilaabanayso diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo cod.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Puntland oo ay ku jiraan Madaxweynayaal hore ayaa ka horyimid barnaamijkan doorashooyinka qof iyo cod oo sida ay sheegeen uu mudda kororsi ku dhex qarinayo Madaxweyne Siciid Deni.

Sidoo kale waxaa buuq xooggan ka taagan yahay soohdimaynta cusub ee loo sameeyay degmooyinka Puntland taas oo uu ku shaqayn doono guddiga KMG ah ee doorashooyinka.

Dhinaca kale ururrada siyaasadda Puntland ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah shir uga furmo Garoowe si ay go’aan midaysan uga qaataan arrimaha doorashooyinkan.

FB_IMG_1669471689798.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Puntland: Diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha doorashooyinka lagu muransan yahay oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this