Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray isbitaal laga hirgeliyay degmada Cadalle

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Isbitaalka Shiikh Axmed Gabyoow oo xildhibaannada iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka hirgaliyeen Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalkan cusub  ayaa ku bogaadiyay dadka deegaanka isku-tashiga ay muujiyeen, isaga oo tilmaamay in dhismahani uu qeyb ka yahay horumarka shacabka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan xoreynta iyo hurumarinta deegaannadooda.

Madaxwaynaha oo uu wehliyo Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa sidoo kale dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed oo ay yeelan doonto Degmada Cadale.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray isbitaal laga hirgeliyay degmada Cadalle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this