Sign in to follow this  
Deeq A.

Fannaan Caana Oo U Tartamaya Kursiga Mdaxweynaha Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Heesaaga Kanye West, ayaa sheegay inuu damacsan yahay in uu u tartamo madaxtinimada Mareykanka sannadka 2024-ka, inkasta oo ay soo waajaheen fadeexado dhowr ah, oo la xidhiidha hab-dhaqankiisii ​​ugu dambeeyay.

Xiddiga oo si sharci ah magaciisa ugu beddelay Ye, ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaal ay ku qoran tahay astaanta ololihiisa, isaga oo ay dhinac yaallaan halku dhig ay ku qoran yihiin, Ye 24.

Waxa uu sidoo kale ku andacooday inuu ka codsaday Donald Trump inuu noqdo ku xigeenkiisa.

Kanye West, ayaa kal hore u tartamay madaxweynenimada Mareykanka sannadkii 2020-ka, laakiin ololahaas waa uu guul dareysta, isagoo helay 70,000 oo codad ah.

Hadalkan fannaanka ee ​​ugu dambeysay, ayaa wuxuu ku soo saaray muuqaal la baahiyey, kadib markii Kanye West lagu arkay goobta golf-ka ee Trump ee Mar-A-Lago horaantii toddobaadkan, oo uu la socday Nick Fuentes, oo ah nin caan ah oo caddaana.

West waxa uu sheegay in codsigiisa ku aadanaa inuu Madaxweyne kuxigeen u noqdo madaxweynihii hore ee Donald Trump, uu ka diiday, isagoo dhawaan bilaabay ololihiisa doorasho Trump, ee dib u doorashada.

Muuqaal cinwaan loogga dhigay Mar-A-Lago Debrief, oo uu leeyahay West, ayaa lagu sheegay: “Trump inuu bilaabay qeylo mar ay isla fadhiisteen miis Kanye West, isagoo u sheegay inaanu guuleysan doonin Kanye. Taasi waligeed ma u shaqeysay qof taariikhda?” Sidaa waxaa yidhi, Kanye West.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this