Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka Malawi Oo La Xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Blantyre)-Madaxweyne ku xigeenka waddanka Malawi Saulos Klaus Chilima ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii ay soo dhammaaday baaritaan eedeymo la xidhiidha musuq-maasuq uu kusoo eedeeyay xafiiska la-dagaallanka musuq-masuqa ee waddankaas.

Khudbad heer qaran ah oo uu jeediyay bishii Juun, madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera ayuu ka xayuubiyay Chilima awoodiisa inta ay socoto baadhintaannada la xidhiidha musuqmaasuqa.

Laakiin wakhtigaas madaxweynaha – oo qaaday olole ka dhan ah musuqmaasuqa – wuxuu sheegay in aanu awood dastuuri ah u lahayn inuu shaqada ka joojiyo Chilima ama uu ka qaado xilka madaxweyne ku xigeenka.

Hay’adda la-dagaallanka musuq-maasuqa ayaa Chilima ku eedeeyay in lagu abaalmariyay caawimaad uu u sameeyay shirkadaha Xaviar Limited iyo Malachitte FZE, oo ah laba shirkadood oo xidhiidh la leh ganacsade Ingiriis ah oo lagu magacaabo Zuneth Sattar, si ay qandaraasyo u siiso dowladda Malawi.

“Ma jirto wax faahfaahin ah oo aan ka bixinayo. Waxaan maxkamadda u oggolaan doonaa in hannaanka uu socdo,” ayuu Chilima ugu sheegay suxufiyiinta maxkamadda bannaankeeda kadib markii la siiyay dammaanad, sida ay sheegtay warbaahinta.

Bishii Janaayo ee sannadkan, madaweynaha Malawi, Chakwera, ayaa kala diray dhammaan golahiisa wasiirada, kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq ka dhan ah saddex wasiir oo xilka hayay.

Reuters.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this