Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamadda Booliska Somaliland Oo Gacanta Kusoo Dhigay Nin Dil Ka Geystay Gudaha Hoteel Ku Yaalla Hargeysa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay nin xalay dil ka geystay Hargeysa, kadib howlgal ay ka sameeyeen magaaladaasi.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen Baashe Faarax Cabdi oo ku eedeysayn dilka Marxuum Jimcaale Rashiid Xasan, kaas oo xalay ka dhacay Hoteelka lagu magacaabo Niil ee ku yaalla magaalada Hargeysa

“Ciidanka Booliska JSL  ayaa Caawa gacanta ku soo dhigay Eedaysane Baashe Faarax Cabdi oo ku Eedaysan in uu dilay  Marxuum Jimcaale Rashiid Xasan ina Nuura Suudi oo 25 jir ah

Eedaysanahan ayaa ku  eedaysan ina ku dilay Marxuumka tooray Abaaro 2:30 Habeenimo ee Xalay kaasi oo  kaga dhuftay qoorta, Dilkan ayaa ka dhacay Huteelka Niil Ee Magaalada Hargeisa

Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta  oo isku dayda amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo ILAAHAY talo saaranaaya.

Ugu Dambayn Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood  ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba la soo wadaagaan.

Alle Mahad leh

Xafiiska Warbaahinta

Ciidanka Booliska JSL.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this