Sign in to follow this  
Deeq A.

Anwar Ibrahim Maxbuuskii Hore Oo Ugu Danbeyn Noqday Raysalwasaaraha Malaysia

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Malaysia)-Anwar Ibrahim ayaa loo magacaabay Raysal wasaaraha dalka Malaysia kadib markii isbaheysiga xisbigiisa Pakatan Harapan (PH) ay heleen kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka dalkaasi.

Anwar oo ahaa siyaasi muddo dheer usoo halgamayey hoggaaminta dalkaasi, sannadkii 2015 ayaa xabsi lagu xukumay balse waxaa lasoo daayey sannadkii 2018 kadib markii uu cafis ka helay Boqorka waddankaas. Intuu xabsiga ku jiray waxaa xisbigiisa sii hoggaamin jirtay xaaskiisa oo lagu magacaabo Wan Azizah Wan Ismail.

Dooraashadii Baarlamaanka Malaysia ayey dhammaan xisbiyada dalkaasi ku fashileen inay helaan codka aqlabiyada Golaha oo ah 112 kursi, taasi oo keentay khilaaf cidda noqon doonta Raysal wasaaraha.

Boqorka dalkaasi Malaysia, Sultan Abdullah Sultan Ahmad oo soo faro geliyey xiisadan ayaa shalay Anwar Ibrahim u magacaabay Raysal wasaaraha 10aad ee dalkaasi maadaama xisbigiisa uu helay cododka ugu badan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this