Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay shirka caalamiga ah ee DF uga qeyb-galeyso dalka Bangladesh?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhaka (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, oo uu wehlinayo Danjiraha Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir ayaa ka qeyb-galaya shirkii 22-aad ee Golaha Wasiirada ee Ururka Badweynta Hindiya (IORA).

Shirka oo ka dhacay magaalada Dhaka ee dalka Bangladesh ayaa waxa uu socon doona muddo laba maalmood ah, waxaana looga hadlayaa sidii loo horumarin lahaa hannaanka mashaariicda waaweyn, ka hortagga burcad-badeedda, dhaca hubeysan.

Sidoo kale waxaa shirkaan diirada lagu saaraya kalluumeysiga aan sharciyeysneyn iyo maareynta musiibooyinka, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay.

Inta uu socday kulanka waxaa shir laba geesood ah yeeshay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cumar iyo Wasiiru-dowlaha arrimaha dibada iyo waxbarashada ee Hindiya Mudane Dr. Rajkumar Ranjan Singh

Waxaa uu kala hadlay dardar-gelinta howlaha dib loogu furayo Safaaradda Hindiya ku yeelan doonto Muqdisho, kordhinta tirada deeqaha waxbarasho, fududeynta habraaca fiisaha caafimaadka, dalxiiska & guud ahaan isku xirka iyo fududeynta.

Sidoo kale Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Thailand, H.E. Mr. Vijavat Isarabhakdi.

Labada masuul ayaa ka wada-hadlay sare u qaadista heerka xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, caafimaadka, waxbarashada iyo dalxiiska.

ind01.jpg ind02.jpg ind03.jpg

The post Muxuu yahay shirka caalamiga ah ee DF uga qeyb-galeyso dalka Bangladesh? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this