Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Niger

Recommended Posts

Deeq A.   
niger.jpg?resize=786%2C489&ssl=1

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Niyaami ee dalka Niger,halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Wefdigaasi ayaa ka qeybgaslaya shirka Midowga Afrika ee warshadaynta iyo isu dheelli-tirka dhaqaalaha oo ka dhacay caasimadda dalka Niger ee Niami.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wefdi uu hoggaaminayo,waxaa sidoo kale la filayaa in ay kulamo la qaataan madaxda dalalka ka qaybgalaya shirkaasi.

Wefdigaasi waxaa garoonka diyaaradaha ee Niyaamo ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Niger Mr. Ouhoumoudou Mahamadou.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Niger appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this