Jacaylbaro Posted June 17, 2008 Hargaysa, (Qarannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Weriyayaal ka socda dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska oo dhawaan socdaal ku yimid Somaliland.sidaasi waxa lagu cadeeyay warsaxaafdeed ka soo baxay maanta xarunta madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnayahay afhayeenka madaxtooyada, warsaxaafdeedkaasi oo loo qaybiyay saxaafda isla markaasna uu nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakada wararkla ee qarannews waxa uu u dhignaa isga oo dhamaystiran sidan hoos ku xusan. Weriyayaashi oo uu ka mid ahaa Weriye ka socda Wargeyska caanka ah ee ka soo baxa dalka Maraykanka ee la yidhaahdo National Geography Magazine Mr Robert Draper , waxa uu socdaal ku kala bixiyay Magaalooyin badan oo ay ka mid ahaayeen Hargeysa , Boorame , Berbera , Burco iyo Ceerigaabo. Madaxweynaha Somaliland waxa waraysi dheer oo dhinacyo badan ah uu siiyay Weriyayaashaasi oo uu ka mid ahaa Mr Draper. Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay arrina aqoonsiga Somaliland waxa uu sheegay in Somaliland ay caalamka intiisa kale ka mudan tahay aqoonsiga ay xaqa u leedahay , iyada oo ka soo baxday shuruudaha dunida ay ku xidho wadamada ku haboon in la aqoonsado. Mudane Rayaale isaga oo arrintaasi sii faah faahinaya waxa uu sheegay in dalal badani aanay ka war qabin ama iska indho tirayaan xaalada dhabta ah ee ka jirta Somaliland. ‘'Somaliland waxay ahayd tii iyadu hooyada u ahayd ee bilowday is raacii wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya 1960-kii , markii ay xorriyada iyadu uga horeysay dalkii kale ee Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray'' ayuu Yidhi Madaxweynuhu. Madaxweynuhu waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in haddii la aqoonsado Somaliland ay wax weyn ka tari doonto gacana ka gaysan doonto sidii Nabad gelyo iyo maamul xukuumad shaqaysa loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya , iyada oo uga aqoon badan ugana faro dhuudhuuban arrimaha dhabta ah ee ka jira Soomaaliya wadamada kale ee aynu dariska nahay. Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo la waydiiyay sababta Somaliland ay uga hir gashay Nabada, Xasiloonida iyo kala danbaynta qawaaniinta iyo shuruucda xukuumad ku salaysan waxa uu sheegay in horumarkaasi ay Somaliland gaadhay uu yahay mid ka soo go'ay shacbiga reer Somaliland ee aan dibada uga iman, loogana baahan yahay in arrintaasi ay kaga dayato Soomaaliya. Isagoo Madaxweynuhu ka hadlaya Qaranimada iyo Gooni isu taaga Somaliland waxa uu sheegay in madaxbanaanida Somaliland ay tahay mid muqadas ah oo ka soo go'day shacbiga , ka dib markii ay madax banaanideedii kala soo noqotay wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya 1991-kii. Weriyahaasi ka tirsan Wargeyska National Geography Magazine, intii aanu ka dhoofin dalka Maanta waxa marti qaad sagootis ah maanta duhurnimadii ugu sameeyay huteelka Hadhwanaag Agaasimaha Telefishanka Qaranka Mudane Maxamed Muuse Diiriye. Quote Share this post Link to post Share on other sites