Sign in to follow this  
Deeq A.

Anwar Ibrahim oo noqday Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia

Recommended Posts

Deeq A.   

Anwar Ibrahim oo 75 jir ah ayaa noqday Ra’iisul wasaaraha Dalka Malaysia, taa oo maanta soo afjartay dadaal qaatay 24 sanno oo u Anwar ku doonayay inuu tago xafiiska uu maanta u magacaabay boqorka Malaysia.

Doorashadii Sabtidii, ma jirin xisbi helay aqlabiyada Baarlamaanka ee lagu soo dhisi karo xukuumad, balse xisbiga Anwar oo ahaa midka heystay codadka ugu badan ayaa boqorka Malaysia u magacaabay Ra’iisul wasaaraha , isagoo la dhaarin doono labo saac kaddib 5-ta galabnimo saacada maxalliga ah ee Malaysia.

Ra’iisul wasaaraha cusub wuxuu maraya tijaabooyin adag oo ay ugu horreyso hoos u dhaca dhaqaalaha iyo in la ansixiyo miisaaniyadda Dawladda oo ka hor doorashada Baarlamaanka la geeyay. Balse dad badan ayaa aaminsan xilligan Anwar inuu ahaa waqtiga ugu habboon , iyadoo la eegayo sida uu ficil ugu bedeli karo qorshihiisa horumarinta ee muddada dheer Malaysinka ay ka akhrinayeen buuggiisa. Ma ahayn wax fudud guusha uu gaaray Anwar oo Ra’iisul wasaare ku -xigeen soo noqday ka hor inta aan xabsiga la dhigin,waxaa lagu sheega inuu xambaarsan yahay aragtida ah maalgashiga ajanabiga oo la fududeeyo, waa akhwaanal muslimiin xiriir adag oo saaxibtinimo la leh Madaxweynaha Turkiga, Erdogan.

PUNTLAND POST

The post Anwar Ibrahim oo noqday Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this