Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Ciidamada Asluubta Puntland oo kormeeray Kuliyada Gen. Cali Nuur

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1669284824148.jpg?resize=720%2C48

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) oo uu weheliyo taliye ku-xigeenka 2aad ee Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Cabdulqaadir Axmed-Khayr Muuse ayaa maanta kormeeray Kulliyadda tababarka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee General Cali-nuur Garoowe.

Ujeedada kormeerka ayaa ahayd u kuurgelidda Cutubyo katirsan Ciidanka Asluubta dowladda Puntland oo tababar loogu diyaarinayo kulliyadda General Cali-nuur ee Magaalada Garoowe.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow), ayaa ciidanka ku booriyey inay u diyaar garoobaan tababar dhammaystiran oo dhinac walba ah, kana faa’iidaystaan macalimiinta bixinaysa.

Intaas kadib, Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow), ayaa shir guddoomiyey kulankii Khamiis-laha ahaa ee Saraakiisha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.

The post Taliska Ciidamada Asluubta Puntland oo kormeeray Kuliyada Gen. Cali Nuur appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this